Kooxda Alshabaab ayaa ka baxay magaaladii uu ugu yiilay saldhigooodii ugu weynaa gobolada dhexe kadib markii ay magaalada u dhowaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinacyo badan kaga sii socda magaalada.
Waxaa duulaanka qeyb ka ah boqolaal ciidamada sida gaarka u tabobaran oo ka socda Puntland, kuwaas oo dowladda Maraykanka ay maalgaliso.
Weli ma aysan gelin ciidamada Xarardheere, balse waxa ay noqonaysaa talaabadii ugu weyneyd ee dowladda qaado, iyada oo dhulka ay Shabaabka ka taliyaan uu aad usii yaraanayo.
Magaalada kale ee muhiimka ah ee dhiman gobolada dhexe ayaa ah magaalada Ceelbuur.