Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ururka Alshabaab markii ugu horeysay ay dalbanayaan in ay soo fariistaan miiska wadahadalka.
Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim oo warfidiyeenada kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in madaxda Alshabaab ay soo direen farriin ah in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda.
Balse waxa uu wasiirka sheegay in dowladda ay arrintan ku xireyso shuruud ah, “Alshabaabka waa labo koox, koox waa ajaaniib, kooxna waa Soomaali, kooxda ajaaniibta ah wax wadahadal ah lama fureyno, waxa kaliya ee u bannaan waa in ay dalalkoodii ku laabtaan” ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu intaas ku daray in Shabaabka ay tahay in ay isa soo dhiibaan, kuna dhaqmaan awaamiirta dowladda iyo wax ay ugu talogashay.
Ma jiro hadal rasmi ah oo saxaafadda lala wadaagay oo kasoo baxay dhanka Alshabaab.
Balse warkan dowladda kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya xilli dagaalo qasaaro badan u geystay Alshabaab lagu qaaday deegaanadii ay haysteen, lagana xoreeyay deegaano badan.
Ciidamadii kusoo tabobartay dalka Eritrea ayaa dalka kusoo laabtay iyaga oo kumanaan ah, waxayna maalmaha soo socda ku wajahanyihiin deegaanada Shabeelaha Hoose iyo Jubada Dhexe sida ay wararka sheegayaan si halkaasi looga saarayo dagaalamayaasha Alshabaab.
Hadalka kooxdani ayaa ka turjumaya culeeska xoogga leh ee soo fuuley, iyaga oo xitaa lasoo sheegay in ay wadahadal la fureen beelaha qaar, soona siideynayaan maxaabiix ay muddo haysteen sabab la’aan ama tuhun aanan waxbo ka jirin.
Alshabaab ayaa horey u diidanaa wax wadahadal ah sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay bishii September ee sanadkii hore.