Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa maalintii afraad isku mari la’ doorashada guddoomiyaha in Aqalka oo uu u tartamayo mudane Kevin McCarthy .
Inkasta oo tirada taageeradiisa ay sii korortay, haddane Kevin weli ma uusan helin tiradii looga baahnaa oo ahayd 218 cod.
Arrintan ayaa banaanka soo dhigtay kala qeybsanaanta baahsan ee ka dhex jirta xisbiga Jamhuuriga.
Kevin oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in horumar laga samayn doono doorashada, balse wuxuu qirey in weli aanan heshiis laga gaarin diidmada xildhibaanada qaar.
Doorashada guddoonka ayaa ku xiran in shaqada Aqalka ay si rasmi ah u bilaabato.