Business
Aqalka Sare ee Maraykanka oo ansixiyay $1.7 trillion oo miisaaniyad ah

Published
3 months agoon
By
admin
Aqalka Sare ee Maraykanka ayaa ansixiyay miisaaniyad gaaraysa $1.7 trillion oo doolar, taas oo ah miisaaniyadda ay dowladda Maraykanka ku shaqaynayso tan iyo bisha September ee sanadka soo socda.
Miisaaniyaddanoo ka kooban wax ka badan 4 kun oo bog oo qoraal ah ayaa waxaa qeyb ka ah $772 bilyan oo adeegyada asaasiga ah lagu qarash gareynayo iyo $858 milyan oo dhanka difaaca ah.
Waxaa kale oo qeyb ka ah taageero dhinacyo kala duwan ah oo la siinayo dalka Ukraine ee dagaalka ku jira.
Waxaa ansixisay 68 xildhibaan, halka ay diideen 29 xildhibaan, wixii hadda ka dambeeyana waxa uu xeerkani aadaya dhanka Aqalka Congress-ka si loogu codeeyo, ka hor inta uusan madaxweyne Biden qalinka ku duugin.
“Kani waa sharcigii ugu muhiimsanaa ee muddo dheer kadib aan ansixinay, sababtoo ah dadka uu caawinayo waa kuwa aad u badan oo kala duwan” ayuu yiri Mudane Chuck Schumer oo ah hoggaamiyaha xisbiga aqbalabiyadda ee Aqalka Sare.
Xildhibaanada ayaa ansixinta sharcigan ka gaarsiinayay inta uusan waqtiga ka dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee miisaaniyaddii hore ay ku egtahay , kaas oo ah saqdhexe habeenimada jimcaha. Xildhibaanada ayaa sidoo kale tiigsanayay in aysan ku qaboowgan xilliyada fasaxyada ah ku xayirmin Washington.
Balse qaar kale ayaa rabay in ay dib u dhigaan miisaaniyadda tan iyo inta uu furmayo kalfadhiga Aqalka Koongareeska, kaas oo ay aqlabiyadda cusub leeyihiin xisbiga Jamhuuriga, markaasina ay suurtogasho in gorgortan dowladda Biden lagala galo qoondeynta miisaaniyadda.
Aqalka Sare ayaa maalintii arbacada khudbad ka dhagaystay madaxweynaha Ukraine Vladamir Zalenesky, waxayna ogolaadeen in $45 bilyan oo doolar oo gargaar militari iyo mid kaleba isugu jira siiyaan dalkani xaaladda adag ku jira.