Connect with us

News

Aqalka Sare oo dardar galiyay la xisaabtanka laanta fulinta

Published

on

Aqalka Sare oo ku jira muddo xilleedkiisii labaad tan iyo intii la asaasay 2016-kii ayaa muddo xilleedkani lasoo baxay dardar cusub oo aanan horey loogu aqoonin, waxayna guddiyada kala duwan ee aqalkani bilaabeen in ay la xisaabtamaan laanta fulinta.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaanan sharciyan ku biirin Golaha Wasiiradda si ka duwan kuwa Golaha Shacabka , kuwaas oo isku ah Laanta Fulinta iyo Laanta Sharcidajinta ee ay ahayd in ay la xisaabtanka sameeyaan. Kala duwanaanshahan ayaa laga yaabaa in xildhibaanada Aqalka Sare ay siisay fursad dheeraad ah oo ay ku muujiyaan shaqadooda.

Guddiyada Arrimaha Dibedda, kan caafimaadka, kan dhaqaalaha iyo kan amniga ayaa dhammaantood la xisaabtan la sameeyay hay’addaha dowladda ee ay quseyso.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka Sare Marwo Maryan Faahiye ayaa su’aallo kulkulul weeydiisay wasiirka arrimaha dibedda Abshir Huruuse, waxayna guddiga shirkii la yimaadeen su’aalo aad u badan oo ay horey uga soo shaqeeyeen.

Guddiga caafimaadka ayaa isna su’aalo weeydiiyay wasiirka caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan wasaaradaas, iyada oo wax laga weeydiiyay hawlaha socda.

Dhanka kale Aqalka Sare ayaa si joogto ah uga dooda sharciyada loosoo gudbiyay, kuwaasi oo xildhibaanada ay doodo adag oo maangal ah ka keenaan sharciyada, gaar ahaan sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo sharciga cunaqabataynta cayiman ee argagixisada, kaas oo dhaliyay buuq badan.

Arrimahan ayaa sare u qaaday muhiimadda Aqalka Sare oo muddo xileedkii hore uu waqtiga kaga dhamaaday isaga oo aanan yeelan kalfadhiyo muhiim ah, inta badan la hareer mariyay sharciyadii muhiimka ah, kuwaas oo markii ay kasoo gudbaan Golaha Shacabka si toos ah uu u saxiixi jirey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Senator Cusmaan Dube, Senator Muuse Suudi Yalaxoow, Sanator Cabdi Qeybdiid iyo Senator Cusmaan Dufle ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn saxaafadda ugu soo muuqday todobaadyadani, iyada oo qeybaha kala duwan ee warbaahinta ay dhowaanahan aad diiradda u saartay tabinta waxyaabaha ka dhacaya Aqalkan oo inta badan dibedda keena xogaha ay dowladda daahayso ama aysan doonayn in la ogaado.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: