Connect with us

News

Arrimaha Laascaano oo weli cakiran

Published

on

Garaadada Sool ee ku sugan Laascaano ayaa sheegay in wax heshiis nabadeed ah aysan la gaarin wefti odayaal ah oo Muqdisho ka yimid oo maalmahan joogay halkaas.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu saxaafadda soo galay hadal ah in heshiis horudhac ah uu ka dhacay Laascaano, garaadadana ogolaadeen in ay nabad la saxiixdaan Somaliland kadib dhexdhexaadin ay sameeyeen odayaasha weftiga ah

Somaliland ayaa iyadu aanan ogolaanin dedaalka odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ka yimid, lamana oga in ay Hargeysa tagi doonaan iyo in kale.

Dhanka kale taliska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ay isu diyaarinayaan wax ay ku sheegeen hawlgal ay kula wareegayaan magaalada Laascaano.

Xaalada Laascaano ayaa weli cakiran, iyada oo markasta fileysa in dagaalo ay ka dhacaan  xilli ciidamada ay isku hor fadhiyaan duleedka magaalada, islamarkaasna ay guul daraysteen dhammaan dedaaladii waanwaanta.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: