Waxaa soo shaac baxay kiis la yaab leh, inkasta oo aanan la ogayn gunta sheekada, haddane mas’uuliyiin dowladda oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa ku baaqay in baaris dhab ah lagu sameeyo arrinka.
Arrintan ayaa ku saabsan xukun dil ah oo maxkamadda ciidamada qalabsa sida ay dhowaan ku ridday nin magaciisa lagu sheegay Cabdinaasir Cusmaan Nuunoow oo kasoo jeeda beelaha laga qoondo badanyahay, isaga oo loo haystay dilka Maxamed Xaashi Faarax.
Balse qoyska marxuumka ayaa sheegay in ninka la xukumay uusan ahayn ninkii diley wiilkooda oo 17 jir ah, kaas oo askari ciidanka Taraafikada ka tirsan uu dhaawac u geystay 7-dii bishii Septembar, 2022, dhaawacaas oo uu u dhintay 20kii Oktoobar, iyaga oo sheegay in 9 qof ay ku marqaati furtay.
Sida uu warbaahinta u sheegay Cabdullaahi Xaashi Roob Da’ay oo mar ahaan jirey afhayeenka Galmudug, lana dhashay marxuumka la dilay ayaa sheegay in uu aad ula yaabay markii maxkamadda la keenay qof kale oo aanan ahayn kii dilka gaystay ee ay xitaa beeshiisa la xajoodeen, iyada oo ay taasi kasii darantahay in isla askarigii dilka gaystay u uku marqaati furey ninkii kale.
Ma jirto cid ka tirsan maxkamadda ciidamada, wasaaradda caddaalada iyo xafiiska dacwad oogaha oo ka hadlay kiiskan.
Arrintan ayaa waxa ay dib usoo nooleysay hadal hayntii muddo jirtay ee ahayd in dad aan waxbo geysan tiirka la geeyo , laguna badelo dadkii rasmiga ahaa ee falalka dilka ah gaystay.
Waxa uu inta badan dhibka ku dhacaa dadka kasoo jeeda beelaha laga qoondo badanyahay , kuwaas oo matelaad badan ku lahayn xafiisyada muhiimka ah ee dowladda ee lagu qeybsaday nidaamka beelaha awood qeybsiga.