Connect with us

Health

Atoore Hollywood oo uu jiiray gaariga barafka

Published

on

Atooraha Hollywoodka ee jilla filimka Avengers ee lagu magacaabo Jeremy Renner ayaa ku jira isbitaal , kadib markii ay dhaawacyo culus kasoo gaareen gaariga barafka xaaqa oo jiiray.

Atooraha ayaa la sheegay in uu isku dayay in uu waddada u furo dad ehelkiisa oo baabuurtooda ku xayirantay dariiq u dhow gurigiisa, waxaana la sheegay markii uu barafkii xaaqay in uu ka dagay baabuurka si  uu ula hadlo qof gaari kale ku jiray, balse gaarigii uu taraaraxay.

Atoore Renner ayaa isku dayay in uu fuulo shukaanta gaariga si uu u xakameeyo, balse waa uu dhacay, waxaana dhusha ka maray gaarigii.

Saraakiisha booliiska ayaa meesha ka saaray in cid kale ay ku lug lahayd falka dhacay, wixii dhacayna ay ahaayeen shil foolxun.

Barafka ayaa caqabado badan ka abuurey Maraykanka, iyada oo maalin kasta lasoo tabinayo dhibaatooyinka ka dhasha.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: