Connect with us

News

Awoodda iyo saamaynta Ra’isulwasaare Xamse miyay sii kordheysaa?

Published

on

Markii uu bilo kooban joogay xafiiska, waxaa suuqa si weyn u galay hadal hayn ah in Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Bare uu yahay nin aanan lahayn miisaan siyaasadeed oo la mid ah kuwii ay lahaayeen raggii xafiiska kaga horeeyay, kaliyana uu yahay nin saaxiib siyaasadeed oo u dhow madaxweynaha.

Waxa ay hadal hayntu ahayd in madaxweyne Xasan Sheekh uu isaga inta badan hayo shaqadii xukuumadda, islamarkaasna uu xafiiskiisa u magacaabayo la taliyeyaal badan oo shaqada xukuumadda haya. Arrintaasi qeyb ahaan run bay u ekeyd marka laga hadlayo tirada la taliyeyaasha uu madaxweynaha magacaabay iyo shaqooyinka badan ee ka socday Villa Somalia.

Waxaa kale oo xaqiiq ah in wadashaqaynta madaxweynaha iyo Ra;isulwasaaraha ay aad u wanaagsantahay, marar badana ayba muuqatay in ay iska war qabaan marka loo fiirsado hadaladii kala duwanaa ee ay warbaahinta siiyeen sida markii ay ka hadleen moowqifka dowladda ee Puntland iyo sidoo kale arrimaha la xiriira shaqaalaha rayidka ah ee aanan soo shaqo galin.

Balse bilihii ugu dambeeyay waxaa soo baxday saansaanta ah in saamaynta Ra’isulwasaaraha ay aad u korortay, uuna xafiiskiisa toos ula wareegay hawlo badan oo aad muhiim u ah.

Wararka ayaa sheegaya in la xisaabtanka Ra’isulwasaaraha ee wasiiradiisa iyo hay’adaha dowladda ay aad u korortay, haatana shaqada hay’adaha kala duwan ee dowladda la dardar galiyay, iyada bil kasta warbixin dhamaystiran laga rabo in ay geeyaan xafiiska Ra’isulwasaaraha.

Ra’isulwasaaraha ayaa wasiir kasta ka saxiixay ballan-qaadka shaqada wasaaradda taas oo barbar socoto barnaamijkii wasaaradda, ballan-qaadyadan ayaa leh jadwal fulineed iyo natiijooyin cayiman oo wasaarad kasta laga rabo marka waqtiga la gaaro.

Mar Ra’isulwasaaraha uu Isniintii la hadlayay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo kuwa hay’adaha waaweyn ee dowladda, ayuu sheegay in hufnaanta iyo la dagaalanka musuqa uu yahay muhiimad koowaad, isaga oo ku adkeeyay in la xaqiijiyo in shaqaalaha rayidka ah ay si buuxda shaqada u xaadiraan, wixii cilado jirana si degdeg ah loo xaliyo. Waxaa xusid mudan in bil ka hor uu sidan oo kale ula kulmay agaasimeyaasha, ayna soo baxday in shaqaalaha inta badan aysan soo shaqo galin, iyada oo bil kadib 26% ay korortay tirada shaqaalaha shaqada imanaya.

Mar uu ka hadlayay wada-shaqaynta wasaaradaha ayuu sheegay in xafiiskiisa uu yahay kan leh kaalinta isku xirka, aysana jiri karin wasaarad si gaar ah u leexsata shaqo kala dhaxaysa wasaarad kale, muhiimaddana ay tahay in shaqooyinka si wadajir ah loo qabto. Waxa uu tusaale usoo qaatay wasaaradda deegaanka isaga oo yiri “Wasaaradda deegaanka oo aanan haysan tan biyaha, tan beeraha , tan xoolaha, tan kalluumaysiga, waxbo ma qaban karto, in aad arrimaha deegaanka hormuud ka tahay micnaheedu ma ahan in wax kasta aad adiga isku koobtid” ayuu yiri Ra’isulwasaare Xamse.

Magacaabista Xilalka Muhiimka ah

Mar dhow waxa uu Ra’isulwasaaraha magacaabay taliyaha ciidanka booliiska, xilkaasi oo uu u magacaabay nin ay aad isugu dhowyihiin xagga awood qeybsiga iyo xagga xiriirkaba, waana Jeneraal Sulub Firin oo horey uga tirsanaa ciidanka booliiska.

Jeneraal Sulub ayaa sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka Duulista Hawada ka hor inta aanan loo magacaabin xilka taliyaha ciidanka booliiska.

Waxaa xilkan laga qaaday Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxayna dad badan filayeen in qof ay isku beel yihiin oo kasoo jeedda Puntland lagu badeli doono. Balse Xamse ayaa qaatay in qof Jubbaland kasoo jeedo uu markani qabto xilkan, arrintan oo loo fasirtay in ay tahay in uu si rasmi ah u tijaabiyay awooddiisa siyaasadeed xilli maamulka Puntland uu hoos u dhigay xiriirkii uu la lahaa dowladda federaalka.

Ra’isulwasaaraha ayaa sidoo kale mardhow magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, halkaas oo uu muddo dheer joogay dublumaasi sare. Waxa xilkan loo magacaabay aqoonyahan qurba-joog ah oo la sheegay in taqasuskiisa iyo tamarta uu shaqada u hayaba ay aad u sarayso.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa ah furaha waaweyn ee dowladda ay kaga jirto dagaalka dib loogu soo celinayo dowladnimo rasmi ah. Waxyaabaha hadda miiska saarana waxaa ka mid ah in isku shaandheyn iyo wax ka badel weyn lagu sameeyo safiiradda iyo shaqaalaha sare ee safaaradaha dibedda.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isulwasaare Xamse ayaa si tartiib tartiib ay sare ugu soo kacaysaa awoodiisa iyo saamayntiisa dowladnimo, iyada oo aad mooddo in lala qabsanayo hab maamulkiisa dabacsan, balse xarig u siideynta ahayn.

%d bloggers like this: