Baarlamaanka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku beeniyay warqad xalay saqdhexe la faafiyay oo ku saabsan kursiga HOP086 ee horey loo laalay.
Warqadda ayaa sheegeysay in guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobeu u xildhibaan u aqoonsaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, la taliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo , kaas oo horey loogu diidey in loo ansixiyo kursiga HOP086 oo doorashadiisa ka dhacday Baladweyne.
Warqadan oo dhalisay hadal hayn badan , islamarkaasna shaki galisay kooxo siyaasadeed oo kala duwan ayuu baarlamaanka ku tilmaamay mid been abuur ah.
Warqadda been abuurka ah ayaa kusoo beegantahay xilli baarlamaanka uu ku jiro marxalad adag oo buuq siyaasadeed ah, iyada oo uu mooshin ka yaalo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Marwo Sacdiyo Yaasiin.