Connect with us

News

Baarlamaanka oo fadhi yeeshay kadib guntankii oo buuxsamay

Published

on

Kadib markii dhawr kulan ay u baaqdeen guntan la’aan ama kooram la’aan, ayuu maanta fadhi yeeshay Golaha Shacabka, iyada oo la sheegay in isu imaatinta maanta ay soo xaadireen illaa 140 xildhibaan.

Waxaa shir guddoomiyay labada guddoomiye ku xigeen oo midkood, waa Sacdiyo Samatare uu ka yaalo mooshin xilka looga qaadayo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isagu ku maqan magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ka qabanqaabinayo shir dib u heshiisiin oo quseeya Koonfur Galbeed.

Shirkii Golaha Shacabka ee maanta ayaa looga hadlay xeer hoosaadyada baarlamaanka, balse xildhibaano makarafoonka qabsaday oo uu ka midyahay taliyihii hore ee NISA Yaasiin Fareey ayaa sheegay in amniga baarlamaanka uu wax badan ka qaldanyahay, loona baahanyahay in wax laga qabto.

Xildhibaanada ayaa kulamadii hore ka cawday rafaadka ay usoo maraan imaanshiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in la marsiiyo baaritaan adag oo dhawr meelood ah.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: