Connect with us

News

Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay xubinimada Finland ee NATO

Published

on

Baarlamaanka Turkiga ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay in dalka Finland loo ogolaado in u uku biiro Gaashaanbuurta NATO, taas oo caqabada ugu weyn ee ka hortaagan ay ahayd dowladda Turkiga oo diidadayn.

Waxaa codka kalsoonida siiyay Finland 276 xildhibaan, wixii hadda ka dambeeyana Finland waxa ay si rasmi ah ugu biiri kartaa NATO.

Dalka NATO ku biiraya waxa ay ansixiyaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururkan, xitaa haddii uu hal dal diido kuma biiro karo.

Turkiga ayaase weli diidan in uu aqbalo xubinimada Sweden oo uu ku eedeynayo in ay gabbaad siiyaan kooxaha Kurdiyiinta oo uu Turkiga u arko argagixiso.

Sweden, Finland iyo Ukraine ayaa dhammaantood codsaday xubinimada NATO kadib halis weyn oo ay ka dareemeen weerarkii Ruushka uu sanadkii hore ku qaaday Ukraine.

%d bloggers like this: