Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu dowladda Soomaaliya u ansixiyay lacag cusub oo dhan $70 milyan oo doolar, taasi oo lagu bixinayo mashruuca Barwaaqo ee loogu talogalay kaydka biyaha, beeraha iyo kan deegaanka.
Mashruuca biyaha waxaa lagu magacaabaa Biyoole, waxaana lagu dhisayaa ceelal, barkadao, biyo xireeno yaryar , iyada oo qeybaha kale ee mashruuca lagu samaynayo seerooyin sida ay sheegtay madaxa mashruucani Chanta; Richey.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in ujeedku yahay in wax ka badan 5 boqol oo qof lagu siiyo waraab joogto ah, kuwaas oo dhan 15% qiyaas ahaan dadka miyiga ku nool, kuwaas oo biyo yaraan ba’ani ay hayso.