Sanado ka hor waxa ay si caadi ah ugu wada quraacan jireen miiska guriga madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo xiligaasi uu fadhiyay Joe Biden, balse hadda waxa ay kala hayaan labada xil ee Maraykanka ugu sareeya, waxayna isaga soo horjeedaan siyaasado cakiran.
Sida uu buugga xusuus qorkiisa ku sheegay, Biden ayaa McCarthy, guddoomiyaha Aqalka Koongareeska subaxyo badan ku qaabili jirey guriga madaxweyne ku xigeenka isaga iyo xildhibaano kale oo mucaaradka ka mid ahaa sanadkii 2015-kii, waxayna ka wada hadli jireen hadba xaaladaha taagan, kana gorgortami jireen waxyaabaha qaar si degen oo wax badan la isu hambeynayo.
Balse maanta oo arboco ah waxa ay labada nin si fool ka fool ah isugu wajahayaan gudaha Aqalka Koongareeska, halkaasi oo lagaga doodayo arrimo badan xilli uu jiro qalalaaso xagga qaanta qaran ah.
“Wuxuu ahaa nin markasta diyaar u ah in aan fariisano oo aan ka wada hadalno waxyaabaha jira “ayuu guddoomiye McCarthy u sheegay wakaaladda wararka AP ka hor qabsoomista kalfadhiga Koongareeska.
Biden ayaa maalmihii lasoo dhaafay muujiyay in uusan diyaar aad ugu ahayn in sidii hore uu ula fariisto McCarthy, isaga oo meel fagaaro ka hadlayayna waxa uu sheegay in inkasta oo uu guddoomiyaha yahay nin wanaagsan, haddane ay gadaal ka riixayaan ajanadayaal aanan wanaagsanayn oo uu wato xisbiga Jamhuuriga.
Inkasta oo farqi weyn oo xagga da’da ah u dhaxeeyo labada nin, haddane waa labo siyaasi oo rug caddaa ah oo si weyn ugu xeeldheer gorgortanka siyaasadda, yaqaanana sida nidaamka siyaasadda Washington u shaqeeyo.
Biden waxa uu ka fikirayaa in uu markale isu sharoxo madaxweynenimada , halka McCarthy uu ku dedaalayo in uu xajisto xilkiisa guddoomiyenimo oo uu si aad u dhib badan ku heley, sidaasi awgeed labadana nin qoorta ayay iskula jiraan, nin kastana wuxuu doonayaa in uu muujinayo gacan sareyn dhanka sharciyadda iyo meel marinta waxyaabaha uu doonayo.