News

Biden oo ku dhowaaqay in uu markale u taaganyahay madaxtinimada Maraykanka

Published

on

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay maanta in uu markale u taaganyahay xilka madaxtinimada Maraykanka, isaga oo codbixiyeyaasha ka codsaday in ay siiyaan fursad kale oo u uku dhamaystiro shaqadii u socotay.

Waxa uu si weyn ugu tashanayaa in ay wax u tarto isbadeladii dhanka sharciyadii ee uu sameeyay muddo xilleedkiisii koowaad, taas oo uu rajaynayo in ay ka tan badato welwelka laga qabo da’diisa sii weeynaanaysa.

Biden ayaa sidoo kale ku tashanaya qibradiisa siyaasadda Washington ee mudada 50-ka sano.

Kumanaan shaqaalaha dhismaha ah oo uu la hadlayay ayaa sacad iyo qeylo sare kusoo dhoweeyay madaxweynaha oo hadal jeedin u samaynayay.

Waxa uu Biden ballanqaaday in uu daweyn doono ruuxda qaranka , waa sida uu hadalka u dhigay.

Fursadaha ugu waaweyn ee dib u doorashada Biden ayaa la sheegay in ay ka imaanayso midnimada xisbiga Dimoqoraadiga oo si weyn uga baqdin qaba soo laabashada Donald Trump oo ka mid ah dadka tartamaya.

Leave a ReplyCancel reply

Trending

Exit mobile version