Connect with us

News

Biden oo u nasiino tagaya jasiirad diirimaad leh

Published

on

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo qoyskiisa ayaa fasaxa dhammaadka sanadka iyo kan biloowga sanadka cusub kusoo qaadanaya jasiiradda St. Coax ee ka tirsan jasiiradaha Virgin Islands ee uu Maraykanka maamulo ee badda Carebean-ka.

Cimilada jasiiraddan ayaa ah mid diirimaad leh, aadna uga duwan barafka iyo qaboowga ka dhacaya Maraykanka, halkaas oo tirada dadka u dhimanaya ay sii kordheyso maalin kasta.

Biden ayaa horey u gu fasax tagi jirey jasiiraddan tan iyo sanadkii 2009-kii, waana meel uu aad u jecelyahay.

Balse safarkiisana waxa uu aad uga duwanyahay kuwii hore in uu maanta yahay ninka xukumadda dalka ugu awoodda badan adduunka, wuxuuna la safrayaa tiro badan oo sirdoonka , saxafiyiin iyo la taliyeyaal ah, fasixiisana waxaa marmar soo dhex galaysa shaqo qaran hadba sida ay xaaladaha usoo kordhaan.

Marwo Dona Christensen oo horey uga tirsanaan jirtay Aqalka Koongareeska, saaxiibna la ah qoyska Biden ayaa sheegtay in madaxweynaha ay marar badan ka maqashay in uu jecelyahay in waayihiisa hawlgabnimada ku qaato jasiiradda St. Coax. Waxa ay intaas ku dartay in xaaska madaxweynaha Marwo Jill Biden ay aad u jeceshahay xeebta, sida ay haweenaydani u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Dadka ku nool jasiiradaha iyo dhulalka Maraykanka ka baxsan, balse uu isaga maamulo ayaa qaba in imaanshaha madaxweynaha ay qeyb weyn ka qaadanayso in wax laga qabto xaaladaha iyo mashaakilaadka haysta dadkaasi.

Biden ayaa lagu wadaa in uu Washingon ku laaban doono 2-da Janaayo, 2023-da.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: