Guddiga doorashooyinka heerka qaran ee dalka Nigeria ayaa ku dhowaaqay in musharaxa xisbiga talada haya Mudane Bola Tinubu oo 70 jir ah uu ku guuleystay doorashadii dhacday maalintii axadda ee lasoo dhaafay.
Ku dhowaaqistani ayaa imanaysa iyada oo labada xisbi ee mucaaradka ay qaadaceen natiijada, kuna tilmaamay in ay ku shubasho ka dhacday meesha, kuna baaqeen in lagu celiyo doorashada.
Mudane Bola ayaa heley 37% boqolkiiba, halka musharaxa soo xiga Atiku Abuubakar uu heley 29% boqolkiiba, iyo Mudane Obi uu heley 25 boqolkiiba.
Waa guuleystihii ugu horeeyay muddo dheer oo madaxweynenimo loo ansixiyo Nigeria oo heley wax ka yar codadka 50% la dhiibtay.
Waxaa tani ugu wacan ayaa la sheegayaa in dadkii ugu yaraa ay usoo baxeen doorashada, waxaana codkooda dhiibtay 27% boqolkiiba tirada is diiwaangalisay.
Madaxweynaha cusub ayaa ah nin Islaam ah, wuxuuna madaxweyne ku xigeen u xushay nin kale oo islaam ah si uu u helo codka dadka muslimiinta ah ee degen waqooyiga oo ah kuwa ugu badan ee doorashada iska diiwaangaliyay. Xeeldheerayaasha ayaa sheegay in arrinkani uu ahaa farsamo wanaagsan oo siyaasad ahaan u shaqaysay.
Iyada oo ay sidaasi tahay ayaa laga cabsi qabaa in ay rabshado dhacaan, waxaase sidoo kale jiri kara in dacwad maxkamadeed lala tiigsado natiijada.