Connect with us

News

Booliiska Hindiya oo u dhacay xarumaha BBC-da ee dalkaasi

Published

on

Ciidanka Laanta Canshuuraha Hindiya ayaa u dhacay xafiisyada idaacadda BBC-da ee magaalooyinka Delhi iyo Mumbai kadib markii idaacadda ay baahisay barnaamij wax looga sheegayo Ra’isulwasaaraha dalkaasi Narendra Modi.

War qoraal ah oo BBC-da kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay shaqaalaha ay wada shaqayn wanaagsan la sameeyeen ciidanka oo weli baaraya xarumahani.

Laanta Canshuuraha waxa ay sheegtay in ay baarayso waxyaabo la xiriira nooca ganacsiga ee BBC-da ay ka hayso Hindiya.

Balse urur ay leeyihiin tifaftirayaasha Hindiya oo lagu magacaabo Editor Guild of India ayaa sheegay in dowladda ay talaabadan u qaadday in ay ka aargoosato idaacadda kadib baahintii barnaamijkii Modi laga diyaariyay.

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty xafiiskeeda Hindiya ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb ka tahay kuwa badan oo awooddii dowladda loo adeegsanayo sababo siyaasadeed.

Afhayeen u hadlay xisbiga Modi ee BJP ayaa sheegay in aysan jirin wax ay BBC-da ka baqdo haddii aysan jirin wax dhib ah oo ay isku ogtahay.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: