Connect with us

News

Booliiska Soomaaliya oo xirey rag cajalad ka duubay kufsi ay geysteen

Published

on

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa magaalada Muqdisho ku xirey mid ka mid ah 3 dhallinyaro ah oo kufsi wadareed u geystay gabadh da’yar, kadib ka duubay cajalad muuqaal ah oo ay internetka ku faafiyeen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, balse cajalka waxa uu soo shaacbaxay todobaadyo ka hor.

Waalidka iyo ehelada gabadha ayaa garsoorka dalka ka codsaday in dacwadda lagu qaado Baardheere si tusaale wanaagsan ay dhallinyarada kale ugu noqoto.

Arrintan hadal hayn badan ayay ka dhalisay Baraha Bulshada, wuxuuna falkani foosha xun yimid xilli falalka kufsiga uu sare usii kacayo dalka, buuqna uu ka jiro sharci baarlamaanka horyaala.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: