Connect with us

News

Cabdirisaaq Cataash : Waxaan isu casilay maadaamaa ay suurtogali weysay wixii aan u taagnaa

Published

on

Guddoomiyihii xisbigii Waaberi ee ka mid ahaa kuwii ka diiwaangashanaa Somaliland ayaa sheegay in uu siyaasadda isaga baxay, una weecday dhanka ganacsiga.

Isaga oo u waramay Somali American TV ayaa sheegay in hantidiisa uu ku maalgaliyay xisbigiisa, kana dhisay dhammaan gobolada Somaliland, balse wuxuu sheegay in himiladii uu ka lahaa siyaasadda uu gaari waayay, haddane uu go’aansaday in uu isaga fariisto.

Cabdirisaaq Cataash ayaa sheegay in markii horeba uusan siyaasadda u galin in uu lacag sameeyo, balse uu u galay in uu badelo nolosha dadka, balse taasi uu arki waayay in taasi la gaari waayay.

Waxa uu sheegay in uu sheegaya in sababaha uu siyaasadda uga fariistay ay ka midtahay dabiyadii dagaal ee ka dhacay Laascaano, haddii magaalo kale ay waxaasi ka dhici lahaayeena uu sidaasi yeeli lahaa.

Cabdirisaaq Cataash oo ah ganacsade caan ah ayaa ugu dambeyntii sheegay in mardambe uusan ka qeybgali doonin siyaasadda, marka laga reebo waxyaabaha la xiriira nabadda iyo arrimaha bini’aadanimada.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: