Ciidamadda illaalada Badda Soomaaliya ayaa hawlgal ay sameeyeen markii ugu horeysey soo qabtay labo doomood oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay iyo illaa 36 qof oo doomahani saarnaa.
Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xafiiska xeel illaalinta qaranka, dadkani ayaa lasoo taagi doonaa maxkamad, lalana tiigsan doonaa ciqaabo waafaqsan xeerarka dalka.
Horey ayay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Kalluumaysiga u sheegtay in ay jiraan doomo badan oo si sharci daro ah uga kalluumaysanaya dhul badeedka Soomaaliya.
Balse waxaa jira doomo kalluumaysi oo shatiyo ka haysta maamul goboleedka Puntland, iyada oo arrintani ay keentay khilaaf ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka. Puntland ayaa qabta in ay u madax banaantahay in ay bixiso shatiyo kalluumaysi, halka dowladda federaalka ah ay meelmarisay sharci wasaaradda kalluumaysiga federaalka siinaya awoodda ugu badan, sharcigaas oo ay ka hor timid Puntland.