Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in ay arkeen boqolaal kolonyada baabuurta ciidanka oo askar badani ku rarantahay iyo gaadiidka hubka culus ku rakibanyahay oo ka baxaya magaalooyin ka mid ah gobolka Tigree.
Ciidamadani ayaa ah kuwa dowladda Eritrea oo garab siinayay kuwa Itoobiya intii uu socday dagaalkii lala galay jabhadda TLPLF, kaas oo laga heshiiyay sanadkii hore dhammaadkiisa.
Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa in marka TPLF ay hubka dhigto ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa kaleba ka bixi doonaan gobolka Tigreega, taasi oo hadda ay muuqato in labada dhinacba ay heshiiska fulinayaan.
Qof ku sugan magaalada Adwa ayaa warbaahinta u sheegay in uu isaga arkay oo tiriyay wax ka badan 70 gaadiidka ciidanka daabula iyo 50 taangiyada dagaalka ah.
Waxa ay dadka qeexeen in kolonyada ay u ekeyd sidii quraanjo guureysa oo kale.
Ciidanka ayaa dadka u gacan haatinayay, iyaga oo ay farxadi ka muuqato.
Magaalooyinka ay ka baxeen waxaa ka mid ah magaalooyinka Aksum iyo Shire iyo kuwa kale.
Ergeyga gaarka ah ee Midoowga Afrika u qaabilsan wadahadalada Olusugan Obosanjo oo maalmo ka hor wareysi bixiyay ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay guud ahaan ka baxeen Itoobiya, balse waxaa arrinkaasi beeniyay afhayeen u hadlay TLFP.
Waxaase muuqata in qeybtii ugu dambeysay ee ciidamada Eritrea ay ka baxayaan Itoobita.