Connect with us

News

Ciidamada Jubbaland oo qasaare culus loogu gaystay Jubbada Hoose

Published

on

Wararka horudhaca ah ee ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar xalay ay kooxda Alshabaab ku qaadeen fariisimo ay leeyihiin ciidamada Jubbaland in halkaasi uu ka dhacay qasaare culus.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdani ay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada Jubbaland ee deegaanka Janaa Cabdalle oo dhowaanahan ay hawlgalo ka fulinayeen ciidamada Jubbaland, halkaasina uu ka dhacay dagaalkii ugu qaraaraa ee dhowaanahan dhaca.

Kooxda ayaa sheegatay in ay ciidamada JL ka dishay wax ka badan 80 askari, balse wararka la helayo ayaa xaqiijinaya in  dhimashada ciidamada JL ay kor u dhaafayaan 20 askari.

Jubbaland ayaanan shaacin tirada rasmiga ah ee ka dhimatay, balse waxaa la fahamsanyahay in dhanka kooxdanina ay ka dhinteen dagaalamayaal badan.

Weerarka ayaa imanaya xilli ay socdaan hawlgalo dalka looga sifeynayo kooxdani , iyada oo magaalada Kismaayo uu ku suganyahay taliyaha booliiska federaalka Jeneraal Sulub Axmed Firin , isaga oo halkaasi u jooga hawlo la xiriira diyaarinta ciidamada booliiska ee sugi lahaa amniga goobaha Alshabaab laga saaray.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: