Wararka ka imanaya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la waday dedaalo xooggan oo hal talis lagu hoos geynayo ciidamada SSC ee la dagaalamaya kuwa Somaliland si meesha looga saaro isbarbar yaaca iyo nidaam daro baahsan oo soo ifbaxday.
Dagaalada oo maalinkii lixaad galay ayay wararka sheegayaan in saraakiil qibrad ciidan leh loo dhiibayo hoggaanka ciidanka SCC.
Ciidamada SSC ayaa isaga yimid deegaano kala duwan, haysatana hubka noocyadiisa kala duwan iyo saanado ay ka helayaan jihooyin kala duwan, balse tan waxa ay keentay in dagaalka si habqan u galaan, dhexdoodana is gaarsiiyeen qasaaro nafeed.
Ciidamada Somaliland ayaa dhankooda galay dhufeysyo adag oo ay adkaatay in laga saaro dhul buuralay ah oo aanan sidaas uga fogeyn magaalada Laascaano.
Inta badan ciidamadii deegaanka kasoo jeeday ee ka midka ah kuwa Somaliland ayaa hadda dagaalka galay, iyaga oo ka safan dhanka SSC, lana dagaalamaya kuwa Somaliland ee haatan difaacyada ku uruuray.
Taliyihii ugu awoodda badnaa ee Somaliland ee Sool joogay Mahad Cambaashe ayay wararku sheegayaan in ciidankiisii ay ka tageen, dagaalkana galeen, isagana aragti ahaan uu taageeray go’aanadii Garaadada, balse uu weli xeradiisa ku haysto ku dhowaad 40 gaadiidka dagaalka iyo hub ku rakiban, isaga oo odayaasha u sheegay in haddii gaadiidkani uu wareejiyo ay halis galayso nafta boqolaal askar ah oo tabobar ugu maqnaa ka hor inta aysan xasaradaha bilaaban.
Warar kale ayaa sheegaya in aanan la isku hubin moowqifka Mahad Cambaashe , su’aalna ay ka taagantahay halka rasmiga ah ee uu ku suganyahay.
Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in markii ay xiisadaha ka biloowdeen Laascaano todobaadyo ka hor, in maamulka Somaliland ay magaalada Hargeysa isugu yeereen dhammaan saraakiishii ciidamada ee kasoo jeeday dadka deegaanka Sool, kuwaas oo la sheegay in aqtiyaarka laga qaaday oo aysan ka bixi karin meelaha lagu hayo.
Waxaase amarkaasi diiday sargaal magaciisa lagu sheegay Fool Maroodi oo hadda hormuud ka ah ciidamada SSC ee dagaalamaya.
Haatan ciidamada Somaliland waxa ay ku suganyihiin meel Koonfur Waqooyi ka xigta Laascaanood oo lagu magacaabo Gooje Cadde, halkaas oo ah xeradii ugu weynayd ee ciidamada Somaliland ay muddo fadhiyeen.
Garaadada Laascaano ku sugan ayaa Somaliland ka dalbaya in ciidamadooda ay geeyaan deegaanka lagu magacaabo Oogo o 100 kiilo mitir dhanka Waqooyi ka xiga Laascaano, halkaas oo ay sheegeen in ay tahay xuduudda SSC, balse madaxda Somaliland ayaa dhexdhexaadiyeyaal Beesha Caalamka ka socda u sheegay in ciidamada ay geynayaan tuulada Ari Cadeeye oo 30 kiilo mitir u jirta Laascaano ka hor inta aanan la bilaabin wax wadahadal ah.
Ciidamada deegaanka oo boqolaal ah ayaa ku hareeraysan magaalada Laascaano, waxana ay fadhiyaan Meesha loo yaqaan Hotel Xamdi iyo Koontaroolka Bari iyo meelo kale , iyaga oo magaalada ka illaalinaya in ciidamo Somaliland soo galaan.
Iyada oo ay sidaasi tahay ayay ciidamada Somaliland ku suganyihiin meel ka sokeeysa magaalada oo ah Tukaraq, waxaana la sheegay in ciidankaasi ay caqabad ku yihiin gargaarkii la gaarsiin lahaa magaalada ee ka tagayay dhanka Puntland xilli gargaar caafimaad iyo mid raashiinba lagu hawlanyahay in la gaarsiiyo magaalada.
Kumanaan qof ayaa ka qaxay magaalada, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in tirakoobka qaxa uu gaarayo 80 kun oo qof.
Gargaar ay dirtay dowladda federaalka ayaa lagu wareejiyay guddi ay saartay xukuumadda Puntland, balse Garaadada Laascaano iyo Guddiga 33 xubnood ayaa doonaya in wixii gargaar ah oo dadka Sool loo wado iyaga loogu dhiibo oo aanan Puntland loo dhiibin.
Dhanka kale , Beesha caalamka ayaa weli Somaliland ku cadaadinaysa in ay dagaalka joojiso, gaar ahaan duqeynta goobaha shacabka ee magaalada, iyada oo Beesha Caalamka ay caddayn usoo qaadatay hadalkii duqa magaalada Laascaano oo qirey dhibaatada ka dhacday magaalada, hadalkiisana uu yahay kan adduunyada ay dhagaysanayso maadaamaa uu yahay mas’uulka kaliya ee dowladeed ee ay dadka soo doorteen.