Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac ayaa sheegay in qeyb ka mid ah ciidamadii tabobarka ugu maqnaa dalka Eritrea ay dalka dib ugu soo laabteen.
Shalay ayay soo baxeen sawirro muujinaya gaadiidka xamuulka ciidanka oo ay ku raranyihiin dhallinyaro xiran dareeska calanka Soomaaliya oo shucuur dabaaldeg ka muuqdo, iyada oo dowladda ay waddooyinka u xirtay.
Dhowaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay jaaliyadda Soomaalida Maraykanka sheegay in bishan Diseembar iyo bisha Janaayo ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ciidamada.
Illaa 5 kun oo askar ayaa muddo afar sano ka badan ku maqan dalka Eritrea, halkaasi oo ay u dirtay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.