Connect with us

News

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday madaxtooyada Sudan

Published

on

Ciidamada Gaarka ah ee RSF ee dalka Suudaan ayaa sheegay in ay la wareegeen madaxtooyada magaalada Khartuum, garoonka diyaaradaha, iyo garoomo kale oo ku yaala magaalooyin kale.

Tani ayaa timid kadib isku dhacyo soo biloowday khamiistii oo u dhaxeeya RSF iyo ciidamada xoogga dalka Suudan kadib khilaaf weyn oo dhexmaray madaxda labadan ciidan oo salka ku haya qorshe la sheegay in RSF lagu kala dirayo, looguna darayo ciidanka xoogga dalka.

RSF oo gaaraya illaa 100 kun oo askari ayaa waxaa hoggaamiya Jeneraalka saamaynta badan ee Jeneral Maxamed Xamadi Dagaalo, kaas oo illaa 2019-kii ahaa ku xigeenka madaxa xukuumadda militariga ah ee Suudaan.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah sababaha la isugu dhacay ay tahay in la isla fahmi waayay qorshahayaasha xukunka loogu wareejinayo xukuumad rayid ah, iyada oo jeneraalada militariga ay qoonsadeen in Jeneraal Dagaalo uu isaga isla doonayo in uu hormuud ka noqdo xukuumadda rayidka ah.

Warfidiyeen kasoo muuqday idaacadda la iska arko ee dowladda ayaa si kooban u sheegay in ciidamada RSF ay soo galeen idaacadda, taas oo ka dhigan in warbaahinta dowladda xitaa ay qabsanayaan.

Weli isku dhacyo ayaa ka socda meelo ka mid ah caasimadda, lamana oga sida ay xaaladda ku dambeyn doonto.

RSF waxa ay sheegtay in ay la safantahay maamuleyaasha rayidka ah, balse lama oga intaasi ay iyaga dan gaar ah ku wataan iyo in kale.

%d bloggers like this: