Ciidamada kacdoonka shacabka ee SSC ayaa gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta xerada Guulwadayaasha ee Laascaano, halkaas oo uu degenaa korneelka Somaliland la safan ee balse dadka deegaanka ka midka ah, ee lagu magacaabo Mahad Canbaashe.
Wararka ayaa sheegaya in Mahad uu baxsaday, balse muuqaalo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid dagaal oo qaarkood hubka culus ku rakibanyahay oo meesha looga tagay, ciidamada deegaankana ay la wareegeen.
Waxaa kale oo muuqanaysay in dadkii xerada tagay ay u muuqdeen in ay bililiqeysanayeen agabkii meesha looga tagay, iyaga oo ku hadaaqayay hadalo ku digasho ah oo Somaliland ka dhan ah.
Mahad ayaa maalmihii lasoo dhaafay diidanaa in uu soo wareejiyo hubka iyo gaadiidka uu haysto, isaga oo la sheegay in uu ku doodayay in ciidan tabobar uga maqan Hargaysa ay naftooda halis galayso.
Ciidamada deegaanka ayaa ku xeernaa xeradiisa maalmihii lasoo dhaafay, iyada oo laga rejo qabay in si waanwaan ah looga saaro meesha. Balse dagaalkii maanta dhacay ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare nafeed.
Col Mahad Cambaashe ayaa ahaa sargaalka ugu sareeya Somaliland ee muddo dheer xukumayay deegaanada Sool, isaga oo haystay ciidamo ay isku beel yihiin , kuwaas oo markii uu kacdoonka dhashay isaga tagay, kuna biirey kacdoonka.