Connect with us

News

Ciidan Soomaali ah oo markii ugu horeysey Yurub lagu tabobaray

Published

on

Waxaa markii ugu horeysey tabobar ciidan oo gaar ah dalka Serbia ku dhamaystay 60 askari oo ah kuwa gaarka ah ee illaaliya madaxda Soomaalida iyo wafuudda caalamiga ah ee Soomaaliya booqanaya.

Askartan ayaa ku laabanaysa Muqdisho kadib markii ay dhamaysteen afar billood oo tabobar ah, iyaga oo maalin kasta tabobar ku jirey 9 saacadood oo xiriir ah todobaadka oo dhan, waxayna tabobarkan ku qaateen Machadka Marshal Josip Broz Tito Special Training School.

Wasiirka Amniga federaalka Dr Maxamed Doodisho oo booqday dalka Serbia ayaa dowladda dalkaasi uga mahadceliyay taageerada ay u fidisey Soomaaliya, iyo tabobarka ay siisey ciidankan.

Tabobarkan gaarka ah ee ciidankan ayaa imanaya xilli uu gebogebo yahay waqtigii loo qabtay ciidamada Midoowga Afrika oo inta badan illaaliya madaxda Soomaalida.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: