Waxaa laga yaabaa in aad marar badan aragtay astaanta booliiska Soomaaliya oo ah xayawaanka goodirka, kaas oo tusaale loogu soo qaatay astaantiisa foojignaanta iyo ogaanshaha khataraha xilli hore.
Haatan booliiska waxa uu yeeshay qeyb cusub oo lagu magacaabo Goodir, waana qeybta ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada, waxayna imanaysaa xilli baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay shuruuc dhawr ah oo la xiriirta la dagaalanka argagixisada.
Taliyaha booliiska Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa booqday qeybtani oo hawsheeda dhowaan la dardar galinayo.