Connect with us

News

Ciidanka dowladda oo qabqabtay Alshabaab hawd ku dhuumanayay

Published

on

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen 8 nin oo Alshabaab ka tirsan, kuwaas oo meel hawd ah ku dhuumanayay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waxa ay dowladda sheegtay in uu raggaasi ka mid ahaa nin horjooge ah , waxayna dowladda sheegtay in raggani ay ahaayeen firxadka Alshabaab kadib markii lagu jabiyay dagaaladii dhowaanahan ka socday Hirshabeelle.

Maalin ka hor ayay dowladda sheegtay in uu isa soo dhiibay nin Alshabaab ugu magacoownaa nabadoon, islamarkaasna u qaabilsanaa uruurinta sakada sharci darada ah ee ay dadka masaakiinta ka uruuriyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii dhowaa si joogto ah u shaacinaysay tirakoobyo dagaalamayaal Alshabaab laga diley ama laga qabtay, balse ma jirto cid madax banaan oo caddayn karta tirooyinkaasi.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: