Ciyaartooy Soomaali ah oo lagu magacaabo Badri Xuseen ayaa bulshada Soomaalida ka raaligaliyay muuqaal si weyn baraha bulshada ugu faafay, kaasi oo uu kasoo muuqday laacibka Ingiriiska David Beckham.
Badri ayaa muuqaalka ku sheegay hadalo aan munaasab ahayn oo uu ka sheegay Beckham oo la taagan, balse aanan fahmayn maadaamaa uu Afka Soomaaliga ku hadlayay.
Arrintan ayay Soomaalida si weyn uga xumaatay, kuna tilmaamay fal muujinaya anshax xumo, sawir xuna ka bixinaya Soomaalida.
Badri ayaa sheegay in uu qaatay talada iyo waanada dadka Soomaalida, kana raaligalinayo hadaladii kasoo yeeray.
Badri ayaa Beckham kula kulmay dalka Qatar oo uu ka socday Koobka Adduunka