Connect with us

News

Dad hoy’la’aan ah oo cooshado ka dhistay Ceder oo ay booliiska kala eryeen

Published

on

Booliiska magaalada Minneapolist ayaa burburiyay guryo cooshado ah oo ay meel aanan loogu talogalin ka dhisteen dad hoy la’aan ah oo tiradooda boqol kor u dhaafayso, kuwaas oo kala bar ay yihiin dad Soomaali ah.

Warfidiyeenada Warlalis iyo Somali Amerikan TV oo booqday goobta intii uu socday hawlgalka ayaa indhahooda kaga bogtay wixii meesha ka jirey oo aan warbixintan kusoo koobayo.

Marka Soomaalida laga tago, waxaa dadkani qeyb ka ah kuwa isir ahaan kasoo jeedo bulshooyinka Bariga Afrika sida Oromada, iyo dadka asal-dhaladka loo yaqaano ee Maraykanka loogu yimid iyo kuwa kale.

Inkasta oo duruufta haysata ay aad u weyntahay, haddane dadkani waxa ay isu uruursadeen in ay is weheshadaan, iska dugsadaan qaboowga iyo barafka daran ee Maraykanka ka dhacaya, xilli hoy la;aanta ay u dheertahay hu’ la’aan iyo cunto la’aan.

Dhowaan waxaa goobtani ku dhintay labo qof oo Soomaali ah oo mas’uuliyiin aan la hadalnay ay sheegeen in ay u dhinteen sababo la xiriira in ay qaateen dawooyin ama maandooriye ka badan tanka uu jirka bini’aadamka xamili karo.

Marka aad dadkani dhex tagtid waa wax iska caadi ah isticmaalka daroogada nooceeda kala duwan, inta badan waa dad miyir suulsan ama maskaxdooda aysan caadi u shaqaynaynin, waxaa intaasi u dheer in ay midab-doorsoomeen oo aanan xitaa qaarkood la kala garanayn lab iyo dhidig midka ay yihiin.

Dhibaatada daroogada ayaa sidoo kale mar aanan fogeyn galaafatay wiil Soomaali ah oo 27 jir ah oo Cadnaan lagu magacaabi jirey oo goobtani lagu diley.

Cooshadaha ay samaysteen ka sokoow , waxa ay dadkani qaboowga ka dugaashadaan xaabo iyo kaartoomo ay shitaan si ay u kulaaxaan ama diirimaad uga helaan maadaamaa aysan haysan koronto ama gaas ay shitaan.

Booliiska ayaa dadkani geynaya meel hoy ah oo loogu tago galay, balse dadkani meeshaasi caadi ahaan ma jecla maadaamaa habeenkii oo kaliya loo ogolyahay, maalintiina ay tahay in ay bannaanka u foofaan.

Muddo kadib waxa dhacda in goob kale oo magaalada ka mid ah ay ka samaystaan cooshadahan, iyada oo hawlgalka booliiska uu iska yahay mid joogto ah , dhibaataduna tahay mid aanan xal waara lahayn.

Dhibaatada hoy la’aanta waa arrin si weyn caan uga ah Maraykanka , waxaase cusub ee soo kordhaya ayaa ah in Soomaalida, gaar ahaan da’yarta ay aad ugu soo badanayso in ay ku biiraan boqolaalka kun qof ee Maraykanka hoy la’aanta ku ah.

Dadka Afrika jooga ayay adagtahay in ay ka dhaadhacdo in ay jiraan xaalado kuwan aan kaamarada idinka tusnay oo kale, inkasta oo ay ku xirantahay hadba qofka sida uu u dedaalo.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: