Connect with us

News

Dadka isticmaala Facebook oo dalban kara lacag magdhow ah

Published

on

Dadka ku nool Maraykanka ee isticmaala shabakada Facebook laga soo bilaabo May 24, 2007 ayaa dalban kara lacag mag dhow ah oo ay bixinayso shirkadda META ee Facebook leh, kadib markii ay maxkamad amartay sidaas.

Facebook ayaa lagu heley xad gudub xagga xogta shaqsiga ah kadib markii ay xogta malaayiin qof ah ka iibisay shirkadda Cambridge Analytica , xogtaas oo shirkadda u adeegsaday ololihii doorashada 2016-kii ee uu kusoo baxay Donald Trump.

Facebook ayaa laga rabaa in ay bixiso $725 milyan oo magdhow ah, waxaana xaq u leh qof kasta oo Facebook isticmaala oo ah muwaadhin Ameerikan ah ama degenaansho ku haysta.

Qofka waxa uu buuxinayaa arji dhanka online-ka ah ama inta uu waraaqaha daaboco ayuu boostada ku diri karaa, isaga oo caddeynaya in uu Facebook laga taariikhdaasi dusha ku xusan.

Markasta oo ay dad badan gudbiyaan codsigan, waa markasta oo lacagta uu qofka helayo ay aad u yaraato.

Illaa 87 milyan oo qof ayay Facebook ka iibsatay shirkadda Cambridge , kadibna xogtaas ayaa loo adeegsaday sababo la xiriira ololaha doorashada Maraykanka.  

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: