News
Dadka Minnesota oo helaya $3 bilyan oo canshuur dhimis ah

Published
3 months agoon
By
admin
Hoggaamiyaha xisbiga Dimoqoraadiga, ahna Barasaabka gobolka Minnesota Mudane Tim Walz ayaa shaaciyay miisaaniyad cusub oo gaaraysa $17.9 bilyan oo doolar, waxaana qeyb ah $3 bilyan doolar oo canshuur dhimis ah oo loo samaynayo dadka gobolkani qaniga ah.
Meelaha muhiimka ah ee lagu isticmaalayo miisaaniyadda weli waa laga wada hadlayaa, balse in la isku raaco in miisaaniyadda heerkaasi la gaarsiiyo ayaa ahayd tallaabo weyn oo oo quseysa labada sano ee soo socota.
Lama oga qaabka canshuurta loo dhimayo, iyo meelaha laga jarayo, balse guddoomiyaha Aqalka Marwo Melissa Hortman ayaa sheegtay in qorshahani yahay mid dadka anfacaya.
Xisbiga Jamhuuriga oo awooddiisa ay yartahay xilligan ayaa isaga doonayay in gebi ahaanba meesha laga saaro canshuurta bar-dhiman ee la saaro lacagaha kaalmada ah, waxaana arrinkan ku waafaqsan xildhibaanada Dimoqoraadiga ah ee kasoo galay goobaha tartanka adag uu ka dhacay.
$2.2 bilyan waxaa loo isticmaalayaa waxbarashada asaasiga ah iyo tan xanaanada, halka $1.2 bilyan lagu bixinayo carruuraha iyo qoysaska, $1 bilyan oo kalena dhanka guriyeynta. $2.3 bilyan ayaa loo qoondeeyay dhanka mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha.
Gobolka Minnesota ayaa ah kuwa laf-dhabarta u ah dowladda madaxweyne Biden iyo xisbigiisa, wuxuuna aad ugu dedaalayaa in uu sameeyo wax kasta oo horumarin kara, taageerada uu ku haystana sii adkayn kara.