Connect with us

News

Dagaal dabo socda qarixii taliyaha sariirtiisa loogu xiray oo ka dhacay Dooloow

Published

on

Wararka ka imanaya magaalada Dooloow ayaa sheegaya in iska hor imaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha magaaladaas xilli maxkamadda ciidanka ay halkaasi ka dhoofinaysay nin loo haysto in uu dilay askari lagu tuhunsanaa in uu wax ka ogaa dilka taliye ciidanka xoogga dalka oo 18-kii bishan lagu dilay qarax shaki weyn dhaliyay oo ka dhacay Balad Xaawo.

Dagaalka maanta oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeday in magaalada laga dhoofiye askariga lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ku eedeysan in uu xabsiga dhexdiisa ku diley tuhmane Aadan Habarwaa oo loo haystay dilka Col. Maxamed Aways oo ahaa taliyihii qeybta 28-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Taliyahan ayaa sariirtiisa loogu xirey qarax, kaligiisna uu ku dhintay , balse dhacdadan ayaa shaki weyn dhalisay maadaamaa waxyar ka hor xiligaasi ay ciidamo kale oo dowladda ka tirsan miino baaris ku sameeyeen xeradii uu ciidanka degenaa.

Dhawr askari oo loosoo xirey dilka taliyaha ayaa mid ka mid ah xabsiga lagu dhex dilay xilli su’aalo laga weeydiinayay falkii dhacay.

Ninkii dilka geystay oo maanta laga dhoofin lahaa garoonka Dooloow ayay shaqaaqadani ka dhacday, waxaana shaqaaqadan ku dhintay illaa afar askari.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidanka qalabka sida oo Dooloow ku sugan ayaa sheegay in maxkamadda ay go’aano degdeg ah ka gaari doonto arrimaha dhacay ee is daba yaala.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: