Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si shaqsiyan ah uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, wuxuuna ku tilmaamay mid ayaan darro ah.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay masaajidka madaxtooyada salaaddii jimcaha ayaa ugu baaqay dhinacyada halkaasi isku haya in ay raadiyaan xal waara.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa dhankiisa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaas, wuxuuna sheegay in baaritaan lagu samayn doono.
Ciidamada maamulka ayaa aroornimadii jimcaha weeraray ciidamo ku sugnaa guriga siyaasi lagu magacaabo Fargeeti oo horey usoo noqday wasiir federaal ah, dagaalkana wuxuu socday muddo saacad ah.
Arrintan ayaa ka dambeysay khilaaf ku saabsan muddo xileedka madaxweyne Lafta Gareen oo afartii sano ay bishan ugu ekeyd, balse hal sano oo dheeraad ah ku darsaday.
Siyaasiyiin horey dalka madax uga soo noqday oo uu ka midyahay madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo Ra’isulwasaareyaal hore iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa iyaguna ku baaqay in dowladda federaalka ay farogaliso arrinta Koonfur Galbeed, iyaga oo ka digey wax muddo kororsi ah.