Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay waraysi ay la yeelatay nin muddo sanooyin ah darawal u ahaa goddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaasi oo qirtay in uu fududeeyay qaraxa iyo weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rosa oo uu ku dhaawacmay wasiirka Amniga Dr Maxamed Doodishe.
Ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa sheegay in uu qalbiga kala jirey Alshabaab intii uu la shaqaynayay guddoomiyaha baarlamaanka, ugu dambeyntiina uu go’aansaday in uu deegaanada kooxdani ka taliso u wareego isaga iyo qoyskiisaba.
Balse xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo idaacadda VOA waraysi siiyay ayaa sheegay in uu aad ula yaabay falka u uku kacay ninkaasi, uusana garanaynin waxa ku kalifi kara, isaga oo intaas ku daray in hadalka laga duubay uu ka muuqday qalqal badan.
Mursal ayaa sheegay in baarista loo dhaafo hay’adaha ku shaqada leh oo aanan laga hordhicin xogta oo dhamaystiran.
Hay’adaha amniga ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ninkani uu ahaa kii baraha koontarool soo dhaafiyay dagaalamayaashii alshabaab iyo qarixii ay wateen ka hor intii aysan weerarin hoteelka oo ay ku shirayeen siyaasiyiin iyo wasiiro.
Hotelkan ayaa waxa uu shir uga socday siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo , wuxuuna shirka u qorsheysnaa muddo seddex maalmood ah iyada oo looga hadlayay mustaqbalka gobolka Gedo iyo heshiis lala gaaro dowlad goboleedka Jubbaland.