Hay’adda cirbixiyeenada Maraykanka ee NASA ayaa sheegtay in mid ka mid ah dayax-gacmeedyadeeda uu cirka kasoo dhacaya kadib markii uu noqday hawlgab, muddo 38 sano ahna uu cirka ku maqnaa.
Balse waxa ay NASA meesha ka saartay suurtogalnimada in cid ay ku waxyeeloowdo marka uu dhulka kusoo dhoco, sababtoo ah waxa ay sheegtay in inta badan uu hawada kusoo baaba’ayo, waxa dhulka soo gaarayana ay iska yaryihiin. Dayax-gacmeedkan ayaa culees ahaan dhan 2,450 kiilo, wuxuuna soo dul marayaa Afrika, Eeshiya iyo meelo kale, ka hor inta uusan ku dhammaan meelo loogu talogalay.
Sanadkii 1984-tii ayu xambaaray dayax-gacmeedkii weynaa ee The Challenger , kadibna hawada lagu siidaayay, intii uu maqnaana waxa uu qabtay hawl badan oo ay ka mid tahay in uu daraaseeyo sida dhulka uu nuugo tamarta cadceedda iyo illeyskeeda.