Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka Madasha hoggaamiyeyaasha ee lagu balansanyahay 16-ka bishan magaalada Baydhabo ay sababo kala duwan uga maqnaan doonaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Siciid Deni ayaa isaga gebi ahaanba diiday ka qeybgalka maadaamaa uu horey u sheegay in uu xiriirkii u jaray dowladda federaalka ah sababo la xiriira tabasho maamul ahaan qabaan oo la xalin waayay. Waxaa xitaa dhacday in shirka muddo dib loogu dhigay Deni , balse lagu guuleysan waayay in la qanciyo.
Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa in uu shirka ka maqnaan doono sababo isaga u gaar ah, badelkiisana uu shirka u diri doono madaxweyne ku xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu waxoogaa walaac ka qabo ciidamada Itoobiya ee Baydhabo jooga, isaga oo markii ugu dambeysay ee Baydhabo tagay ay ahayd 2018-kii.