Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqamada la yaabka leh ee Alshabaab ay soo kordhisay ay ka midyihiin in ay canshuurto qoysaska ilmaha u dhashaan kadib markii ururkan ay soo foodsaartay dhaqaale la’aan baahsan.
Alshabaab ayaa horey dadka canshuur uga qaadi jirey marka ay beeraha tabcanayaan, sako aan jirin ka qaadi jirey xoolaha, canshuuro kalena ka qaadi jirey badeecooyinka, balse arrintani waa xaajo cusub.
Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, hormuudka ka ah hawlgalada Alshabaab dalka looga saarayo ayaa sheegay in Alshabaab ay markani bilaabeen in ay canshuur ka qaadaan qoysaska ilmaha cusub u dhashaan.
Horey Alshabaab waxa ay u afduuban jireen ama u duufsan jireen ilmaha yaryar ee wiilasha ah ee aanan weli qaangaarin ama markaasi uun qaangaaray, iyaga oo ku qasba in ay is qarxiyaan ama dagaalada si indho beel ah uga qeybgalaan.
Jeneraal Tuuryare waxa uu xusuustaa dagaalkii Masaajidka Cali Guduud oo sanadkii hore , kaas oo uu sheegay in lagu laayay 200 oo Alshabaab ka tirsan, kuwaas oo u badnaa dhallinyaro aad u da’ yar oo dagaalka lagu soo qalday.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay dishey wax ka badan 1200 oo ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab, balse hay’adda la socodka Xasaradaha Adduunka ee International Crises Group waxa ay sheegtay in ay adagtahay in la xaqiijiyo tirakoobkaasi.
Balse waxaa la isla qirayaa in hawlgalkan uu yahay kii ugu weynaa ee ebed lagu qaado Alshabaab, mana ahan baaxadda hawlgalka ee waa sida shacabka uga qeybqaateen, ulana safteen dowladda, taas oo meesha ka saartay gabbaadkii ugu dambeeyay ee Alshabaab oo shacabka ahaa.