Connect with us

News

Dowladda federaalka oo dhisaysa kheyraadkii aadamiga ah ee ugu cuslaa

Published

on

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay furitaanka shirweynaha qaran ee waxbarashada oo muddo 3 maalmood ah ka socon doona xerada Afisiyoone ayaa sheegay in qorshaha kama dambeysta ah ee dowladda uu yahay in tirada macalimiinta la gaarsiiyo 10 kun oo macalin.

Waxa uu sheegay in markii ugu horeysey madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha iyo wasiirka waxbarashadaba ay yihiin dad noloshooda intooda badnayd kasoo shaqeeyay bahda waxbarashada, ay tahay in ay ka dhabeeyaan himilooyinka iyo baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira.

Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Barre oo bilo ka hor ka hadlayay magaalada Qaahira ayaa sheegay in isaga shaqsiyan uu aaminsanyahay in horumarka dalka uu jiro in la dhiso kheyraadka aadamiga ah ee dadka Soomaalida, halkaasina tahay meesha u baahan in maalgalinta ugu badan lagu sameeyo, halkii la dhisi lahaa warshado aanan la haynin ciddii ka shaqayn lahayd.

Dhowaan ayay ahayd markii dowladda ay qortay 3 kun oo macalin oo wax ka dhigaya dugsiyada dalka, iyada oo qorshaha uu yahay in afar milyan oo da’yar ah oo xilligii waxbarashada gaaray balse fursad waxbarasho aan helin la siiyo fursad waxbarasho, sida uu horey u sheegay wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir.

Shirweynaha Xamar ka furmay ayaa diirada lagu saarayaa manhajka iyo siyaasadda waxbarasho mideysan oo uu dalka yeesho, iyada oo la isugu yeeray khubaro kala duwan iyo mas;uuliyiin ka socda dowlad goboleedyada dalka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: