Connect with us

News

Dowladda Federaalka oo la heshiinaysa Puntland

Published

on

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan wadahaladalo lala galay dowlad goboleedka Puntland oo kal hore sheegtay in ay si iskeed ah isu maamulayso.

Wuxuu sheegay in kala aragti duwanaanta dowladda dhexe iyo maamulka Puntland lagu xalinayo miiska wadahadalka, lagana wada shaqaynayo arrimo muhiim ah sida dhamaystirka dastuurka oo ah qodobka ugu weyn ee Puntland ay ka didsantahay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmay xilli lasoo tabinayo in madmadoow uu soo kala dhexgalay madaxda federaalka iyo dowladda goboleedka Jubbaland, sidaasina aysan dowladda federaalka ku lumin karin maamul kale oo ka mid dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Puntland iyo Jubbaland oo xulufo ahaa dowladdii hore ee Farmaajo ayaa hadda laftooda kala tagsan, iskuna khilaafay sida loola macaamilayo dowladda federaalka ah.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: