Dowladda Itoobiyaa ayaa markii ugu horeysey fududeynaysa qorista boqolaal kun oo dumar shaqaalaha guryaha ah oo loo dirayo dalka Sucuudiga si ay uga soo shaqaystaan.
Ogeysiisyo lagu dhajiyay boorar waaweyn oo caasimadda Addis Ababa iyo meelo kale ah ayaa dadka loogu sheegayaa in ay iska diiwaangaliyaan laan dowladda u xil saartay qorista shaqaalaha.
Dowladda Sucuudiga ayaa xayiraadda ka qaadday shaqaalaha ka taga Itoobiya bishii Feberaayo ee sanadkan, taasina waxa ay keentay in dowladda Itoobiyada iyada faraha la gasho hawsha, halkii markii hore shirkado ay dadka shaqo geyn jireen, halkaasna ka dhalan jirtay tacadiyo badan oo loo geysto dumarka.
Qofkii guri ka shaqeeya Sucuudiga waxa uu qaadanayaa lacag dhan kun Dirham oo u dhiganta $266 doolar, taas oo ah lacag aad uga badan inta uu shaqaalaha dowladda ee caadiga ah qaato Itoobiya.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ujeedka uu yahay in la illaaliyo nafta iyo hantida qofka muwaadhinka ah, sidaasi dowladda ugu lug yeelatay hawshan.