Connect with us

News

Dowladda iyo mucaaradka Somaliland oo isku moowqif ka noqonaya Laascaano

Published

on

Dagaalada dabo dheeraaday ee magaalada Laascaano ayaa la sheegayaa in ay keeneen in mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland ay isku mowqif ka noqonayaan qaddiyadda dagaalada Laascaano.

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Somaliland aysan ka bixi doonin magaalada laascaano , isaga oo sidoo kale sheegay in ciidamada ay yeesheen gacan saraynta dagaaladii dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Horey ayuu Faysal uga soo horjeedsaday dagaalada, una dhaliilay go’aanada xukuumadda Muuse Biixi, balse hadda waxa ay u muuqataa in dagaalada dheeraaday awgood uu u badelayo moowqifkiisa.

Dhanka kale Taliye ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu magacaabo Faysal Cabdi Bootaan oo ku sugan xerada Gooje Cadde ayaa sheegay in ay sii labo jibaari doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada kacdoonka shacabka ee Laascaano, isaga oo guulo ka sheegtay dagaalo shalay dhacay.

Afhayeen u hadlay SSC ayaa sheegay in dagaal dhacay shalay ay ku dileen wax ka badan 100 askari oo ka tirsan kuwa Somaliland.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: