Connect with us

News

Dowladda Maraykanka oo sharaxday sida loo wajahayo dadka darbiga kasoo boodaya

Published

on

Xoghayaha hay’adda amniga gudaha Maraykanka Alejandaro Mayorkas ayaa sheegay in ragga qaangaarka ah ee kaligood socda oo kaliya la marin doono wareysiyada dacwadaha magangalyo doonka ah ee lagu qaadanayo xudduuda Maraykanka iyo Mexico.

Dowladda Maraykanka ayaa biloowday hannaan ay ku dardar galinayso in dadka soogalootiga ah durbadiiba lala yeesho wareysi la xiriira dacwadooda, kadibna si dhaqsi ah go’aan looga gaaro in ay dalka lagu fasaxayo iyo in dib loogu celinayo dalkii ay ka yimaadeen.

Dadka ay soo baxdo in la celiyo ayaa dalkoodii lagu celiya maalmo ama todobaadyo gudahood sida ay sheegeen hay’adaha amniga Maraykanka.

Waxaa jira sharci horey u jirey oo ku saabsan covid-19 oo waqtigiisa uu dhacay 11-ka bishan May, taasna ay keentay in dad badan ay soo dhoobtaan xudduuda iyaga oo ka gaarsiinaya inta uusan dhaqangalin sharci kale oo gebi ahaanba mamnuucaya in qof uu soo galo Maraykanka isaga oo soo maray dal kale oo sedexaad oo amni ah.

Dadka loo fasoxo in ay galaan gudaha Maraykanka ayay ku qaadataa illaa muddo 4 sano ah in go’aan kama dambeys ah laga gaaro dacwadooda sababo la xiriira culeeska ka jira maxkamadaha oo la macaamilaya kiisas aad u badan oo is dul fuulfuulay.

Arrin kale oo welwelkeeda leh oo ay ka walaacsanyihiin dadka u dooda xuquuqda soo galootiga ayaa ah in dadka lagu hayo xabsiyada aysan heli doonin metelaad sharci ama garyaqaan u dooda sida ay sheegtay Katherine Hawkins oo ah garyaqaanad sare oo ka mid ah ururada bulshada rayidka ee dowladda kala shaqaysa fududeynta hawlaha muhaajiriinta.

Waxaase dadka loo ogolaan doonaa wax ka badan hal wicitaan taleefoon oo ay u dirsadaan wakiilkooda sharciga, si ka duwan xilligii Trump oo qofka loo ogolaa hal wicitaan oo kaliya.

Magaalooyinka dadka lagu waraysanayo waxa ay kala yihiin Dona, Rio Grande Valley, San Diego, Yuma, iyo El Paso . waxaase sidoo kale jira xarumo dowladda Maraykanka ay ka furtay dalalka Guatamela , Colombia iyo waliba xarumo la filayo in laga furo garoomada diyaaradaha waaweyn ee Maraykanka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: