Connect with us

News

Dowladda Maraykanka oo soo jeedisay talaal sanadle ah

Published

on

Hay’adda dawada iyo cuntada Maraykanka ee FDA ayaa soo jeedisay in dadweynaha Maraykanka ay sanadkii hal mar qaataan tallaalka cudurka Karoonaha iyo hargabyada la nooca ah si meesha looga saaro talaalada dhawrka jeer la qaadanayo.

Qoraalo lasoo galiyay bogga rasmiga ah ee FDA ayaa lagu sheegay in soojeedintan loo bandhigayo dhinacyada ku hawlan arrimahan talaalka iyo xanuunada faafa, kadibna go’aan kama dambeys ah laga gaaro doono.

Soojeedintan ayaa timid kadib markii dad aad u tiro yar ay qaateen talaalka labaad iyo kan sedexaad ee Karoonaha, kaliyana ku kaaftoomeen kii koowaad, taasina ay sii sare kiciso halista cudurka. Si halistaasi meesha looga saaro , FDA waxa ay soo jeedinaysaa in dadka helaan talaal hal mar ah sanad kasta si dadka difaaca jirkooda uu nugulyahay ay adkaysi badan ugu helaan.

Karoonaha ayaa dhalanaya isaga oo hadba nooc ah, nooc kastana uu ka halis badanyahay kii hore, wuxuuna inta badan haleelaa dadka difaacooda liito , dadka xanuunada kale qaba iyo carruuraha.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: