Connect with us

News

Dowladda oo fureysa xafiis ugub ah

Published

on

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Cabdiqaadir ayaa sheegay in wasaaradiisa laga dhex furayo xafiis cusub oo aanan horey dalka uga jirin, kaas oo lagu uruuriyo, lagu kaydiyo, islamarkaasina loogu qidmeeyo carruuraha ku agoontoobay qaraxyada, dilalka iyo waxyeelada sida joogtada ah ay u geystaan kooxda Alshabaab.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad deeq lagu guddoonsiinayay carruuro waalidkooda ku waayay qarixii Soobe 2 oo ay tani tahay markii labaad, ayaa sheegay in xafiiska cusub uu ka dhashay ballan-qaadkii dowladda ee ahaa in la caawiyo carruuraha ku agoontooba ama ku rajooba weerarada Alshabaab.

Marka laga yimaado caawimaadda maaliyadeed ee xafiiskani uu bixinayo, waxa kale ay dowladda ballan-qaadday in carruurahani la siin doono deeq waxbarasho oo dhamaystiran illaa heer tacliin sare ah.

Munaasabad Muqdisho ka dhacday ayaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Cabdulle, kaasi oo goobta ku wareejiyay lacago iyo gargaar ay siyaabo kala duwan ugu soo uruuriyeen carruurahani oo gaarayay 79 ilmo oo ka soo jeeda 27 qoys.

Tiro intaasi ka badan ayaa munaasabad tan ka horeysay lagu guddoonsiiyay deeq loogu talogalay.

Sheekh Bashiir Salaad oo ka mid ah culumada ayaa yiri “Dadka laga soo qaaday deeqda maanta la idiin keenay ma ahan dad idin yaqaana ama ehelkiina ah, Soomaalinimo ayay idinku caawiyeen, tanina waa tusaalaha Qaranimada “.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: