Connect with us

News

Dowladda oo mamnuucday soo dajinta bajaajta

Published

on

Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa lagu gaaray go’aano lama filaan ah oo lagu xalinayo dhibaatada sii kordheysa ee gaadiidka bajaajta, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Go’aanadan ayaa ka dambeeyay warbixin 18 qodob ka kooban oo todobaad ka hor Golaha ay ka dhagaysteen guddi loo saaray dilalka wadayaasha bajaajta, waxaana qodobadan lagu falanqeeyay waxyaabaha ka qaldan ganacsiga bajaajta ee aan xakamaysnayn.

Haddaba waa kuwaan qodobada ay golaha gaareen.

1- Laga bilaabo 1-da April ee sanandkan 2023-ka waxaa la hakiyay soo dejinta Mooto Bajaajta, Mootada laba lug leh iyo Mooto gaari iyo, waxaana la amray dekaddaha dalka in aan lasoo dejin karin mootooyinkaasi.

2- Laga bilaabo 1-da ilaa 30-ka April waa in la tiro koobaa Mooto Bajaajta, sidoo kale loo sameeyaa sumad gaar ah oo ah (A iyo B), waxaana shaqadaasi fulinaya Maamulka Gobolka Banaadir.

3- Lama siin karo ruqsada wadista Mooto Bajaajta iyo Mootooyinka kale qof da’diisa ay ka yar tahay 18 sanno.

4- Laga bilaabo 1-da May ee sannadkan waxaa la joojinayaa bixinta taarikada la siiyo Mootooyinka ilaa ammar dambe.

5- Hir-gelinta go’aanadan waxaa u xil saaran fulinteeda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha amniga dalka.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: