Connect with us

News

Dowladda oo sheegtay in ay dalka kusoo wada laabteen ciidamadii Eritrea

Published

on

Taliska ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadii mudada dheer tabobarka ugu maqnaa dalka Eritrea in ay dalka dib ugu soo laabteen, haatana qeyb ka yihiin hawlgalada ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Hadalkan ayaa waxaa jeediyay Jeneraal Biixi oo ka mid ah taliyeyaasha sarsare ee ciidanka, kaas oo ka hadlayay degmada Ruun-Nirgood oo mar aan fogeyn laga xoreeyay kooxaha Alshabaab.

Todobaadkii ugu dambeeyey ee bishii Diseembar ee tagtay ayay ciidamada bilaabeen in ay soo laabtaan, balse ma jirto cid si hubanti ah u xaqiijisay tirakoobka ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in ciidamada ay imaanshahooda soo dhamaystirmi doonaan bisha koowaad ee sanakda 2023-da.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: