Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar shirkadaha isgaarsiinta gudaha amraya in ay faro iyo sawir ka qaadaan macaamiisha cusub ee qaadanaysa lafta taleefoonka, halka kuwii horey u haystay loo qabtay 90 cisho in ay isku diiwaangaliyaan.
Amarkan ayaa ka dambeeyay kadib ansixintii sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda iyo La dagaalanka Maalgalinta Argagixisada, kaas oo labo maalmood ka hor uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh, laguna soo saaray faafinta rasmiga ah.
Hay;adda isgaarsiinta qaranka ayaa sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta ka dalbatay in ay Bangiga Dhexe ka diiwaangaliyaan adeegooda lacagaha danabaysan ama EVC , islamarkaasna hubiyaan in lacagaha ay ku socdaan si sharci ah.
Dowladda ayaa meelmarisay dhawr sharci ah oo looga gol leeyahay in lagu sugo amniga.